Soomaaliya oo sheegtay inay ka go'antahay wax ka qabashada isbeddelka cimilada

Scotland (RH)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka Qaramada Midoobay ee looga hadlayo Isbeddelka Cimilada (COP26) ee ka socda dalka Scotland, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go'an tahay inay u hoggaansanto isbeddelka cimilada adduunka.

“Waxaa si buuxda nooga go’an meel marinta isbeddelka kaas oo ku saleysan wadatashi bulsho si sare loogu qaado hannaanka horumarinta oo loo dhan yahay," ayuu yiri wasiir Jamaal.

Wasiir Jamaal ayaa intaas ku daray in bulshada Soomaaliyeed ay la daalaa dhacayaan arrimo noloshooda saameyn ku yeeshay oo aysan iyagu kasban.

Xiggasho: BBC

Category