Somaliland Qofkii  9aad Oo  U Geeriyooday Xanuunka Covid-19

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii  9aad ayaa U Geeriyooday Somaliland Xanuunka CoronaVirus sida ay Maanta Xaqiijisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Caafimaadka Somaliland.

 

Sidoo kale Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Waxay shaacisay in 24 Saacadood ee u Dambeeyey Baadhitaanadii la Sameeyey 18 Qof Oo Cusub laga Helay Xanuunka Covid-19

Bukaanada Cusub ee Xanuunka laga Helay ayaa kala Jooga Magaalooyinka

Hargaysa (15 qof)

Oodwayne (1 qof)

Boorama (1 qof)

Burco (1 qof)

Da’da Bukaanadan ayaa u Dhaxaysa 20 sano ilaa 70 jir,Waxayna kala yihiin 9 Nin iyo 9 Dumar Ah Isla markaasina ah 17 Muwaadin iyo 1 Ajnabi ah.

Wadarta Guud Ee Xanuunka Laga Helay Ayaa Ah 121 Qof,waxaana Xiligan Xunuunka u jiifa: 104 qof waxaana Xanunka Ka Bogsaday:  8 qof ,waxaana Xanuunka u Geeriyoodey  inta la ogyahay 9 qof

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Waxay Bulshada Somaliland Ugu Baaqday inay Qaataan Talooyinka Bahda Caafimaadka iyo ta  Gudida Ka Hortaga Covid 19 ee Somaliland.

 

Category