Somaliland Oo shaacisay Qofkii 27 Ee U Geeriyooday Xanuunka Covid-19 iyo  46 kiis  Oo Cusub

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii 27 ayaa Magaalada  Hargeysa Ugu Geeriyooday Xanuunka Covid-19 Marxuunkan geeriyooday ayaa da'diisu ahayd 68jir.

Sida ay  Maanta Xaqiijisay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland

 

Sidoo kale Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay  133 Qof oo Baadhitaano lagu sameeyey 48kii saacadood ee u danbeeyey in  46  Qof laga Helay Xanuunka Covid 19 ,Bukaanadan  29 waa Somalilander, 16 waa Hindi iyo 1 qof oo Kenyan. Bukaanadan 40 qof waa rag, 6 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(20jir ilaa 29jir = 11 qof)

(30jir ilaa 39jir = 19 qof)

(40jir ilaa 49jir = 3 qof)

(50jir ilaa 59jir = 6 qof)

(60jir ilaa 69jir = 4 qof)

(70jir ilaa 79jir = 2 qof)

(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 19 qof , Berbera 19 qof , Boorama 4 qof iyo Lowya cado oo ah 4 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 6 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sagaashan (90)

 

Category