Skovparken : Warkii ugu dambeeyay ee dubuhabeynta

RH: Bishii Abriil 2024, deganeyaasha xaafada Skovparken ee magaalada Kolding- Denmark ayaa ansixiyey qorshe cusub oo lagu beddelayo qaab-dhismeedka xaafadda. Qorshahaan wuxuu ku jiraa:

  • Iibinta saddex dhismo oo ah guryo dabaqyo ah iyo
  • Burburinta saddex kale, iyadoo laga dhisayo guryo cusub iyo adeegyo kale.

Intaa waxaa dheer:

  1. Dhismaha cusub ee Rema 1000: Shirkadda Innovator ayaa iibsatay saddex dhisme (lambarrada 7 ilaa 23) waxayna qorsheyneysaa inay halkaas ka dhisto Rema 1000 cusub oo ku yaal isgoyska Lærkevej iyo Skovvangen. Shaqada dhismaha waxay bilaaban doontaa gu’ga 2025, waxaana la filayaa in la dhammeeyo jiilaalka 2025.

  2. Burburinta dhismooyinka ag dhaw garoonka kubadda cagta: Saddex dhisme (lambarrada 97 ilaa 113) ayaa la dumin doonaa si Kolding Kommune u dhisto xarun cusub oo lagu daryeelo dadka waayeelka ah. Waxaa sidoo kale halkaas laga hirgelin doonaa xarun bulshada ay u isticmaali karaan kulamo iyo hawlo kale.

  3. Dib-u-habaynta guryaha: Dhamaan dhismayaasha harsan waxaa dib loo hagaajin doonaa, waxaana la qorsheynayaa in qaar ka mid ah guryaha loogu talagalay dhalinyarada iyo dadka waayeelka ah.

Daryeelka iyo u-wareejinta deganeyaasha

Bilaawga 2026, deganeyaasha saddexda dhisme ee la iibiyey (lambarrada 13, 15, iyo 17) ayaa laga rarayaa guryahooda. Haddase, la-taliyaha u-wareejinta deganeyaasha ayaa billaabay wada-hadallo si loogu helo hoy cusub oo ku habboon baahidooda.

Marka qorshahaan dhameystirmo, tirada guryaha Skovparken waxay hoos uga dhici doontaa 552 ilaa 368, waxaana loogu talagalay qoysaska, waayeelka, iyo dhalinyarada.

Category