Shirkii wadahadalka khilaafka doorashada Soomaaliya oo baaqday

Waxay u muuqataa in uu baaqday shirkii wadahadalka khilaafka doorashada ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo qorshuhu ahaa in uu maanta furmo.

Dhinacyada ay khuseyso arrinta doorashada ee muddada dheer soo jiitameysay ayaa ku kala aragti duwan halka uu ka dhacayo shirkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay in kulanka uu 15-ka bisha oo maanta ku beegan ka furmi doono magaalada Garoowe, laakiin maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa dalbaday in shirkaas lagu martigaliyo magaalada Muqdhisho.

Labadaas maamul goboleed ayaa horay u sheegay in aysan aqoonsaneyn madaxweyne Farmaajo, maadaama muddo xileedka dowladdiisa oo afar sano ahaa uu dhammaaday 8-dii bishan Februray.

Sidoo kale Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

 

xigasho BBC

Category