Shirka Afisyooni oo maalintii 3-aad galay iyo madaxdii la sugayay oo weli imaan

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii saddexaad ka socda shirka u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, qaar ka mid ah madaxda maamul goballeedyada iyo duqa Muqdisho.

Shirka oo ka socda xeradii horre ee ciidamada cirka Afisyooni, waxa ka qeybgalaya madaxweyne Farmaajo, ra'iisal wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle iyo duqa Muqdisho.

Madaxda ayaa maanta galinka dambe waxa ay warbixin ka dhageysan doonaan guddiga amniga oo uu hoggaamiyo taliyaha ciidamada booliska Jeneraal Xijaar waxa ay soo bandhiggi doonaan qorshaha ay u diyaariyeen goobaha codbixinta ay ka dhici doonto, maadama doorashadan ay ka duwan tahay kuwii horre waayo waxa ay ka dhacayaan illaa 11 magaalo.

Dhinaca kale, waxaa shirkan weli imaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa socda dagaalo la isaga dab qaadayaa madaxda dowladda federaalka iyo madaxda ka maqan oo ay wadaa beesha caalamka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category