Sawirro: Meydka xildhibaan Aamina Maxamed oo la keenay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta la keenay meydka alle ha u naxariisto Aamino Maxamed Cabdi oo xaley qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu bartilmaameedsaday magaalada Beledweyne.

Meydka marxuumadda ayaa markii laga soo dajiyay diyaadii looga soo qaaday Beledweyne, waxaa garoonka diyaaradaha kula tukaday masuuliyiin uu ka mid yahay ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaashii horre Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, wasiiro horre, xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo ehelka marxuumada la dilay.

Meydka marxuumada ayaa la filayaa in lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana lala soo qaaday qof kale oo isna salaadii janaasada lagula tukaday.

Madaxda dowladda federaalka ayaa cambaareyay qaraxyadii ka dhacay Baledwayne una tacsiiyeeyay marxuumad Aamino Maxamed.

Dhinaca kale, waxa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana booliska magaalada ay sheegeen maanta in labadii qarax ay geysteen khasaara xooggan.

Taliyaha booliska Beledweyne ayaa saxaafadda u sheegay inlabada qarax ay ku dhinteen 15 qof islamarkaana ay 30 kale ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay labada qarax in ay ka dambeeyeen, sidoo kale waxa ay shaley kooxdan weeratay xerada Xalane ee ku dhex taalla gegida diyaaradaha ee Muqdisho oo ka mid ah meelaha aad loo ilaaliyo ee ku yaalla caasimadda.

Meydka xildhibaan Aamina Maxamed oo la keenay MuqdishoMeydka xildhibaan Aamina Maxamed oo la keenay MuqdishoMeydka xildhibaan Aamina Maxamed oo la keenay Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category