Sawirro: Doorashada xildhibaannada gobolladda woqooyi oo la soo gabogabeeyay

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah lagu soo gabagabeeyay doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi, waxaana maanta la doortayy saddexdii xildhibaan ee ka harsanaa kuwaasoo ka mid noqon doona baarlamaanka 11-aad ee federaalka.

Doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi ayaa waxa ay qaadatay saddex billood iyo 20 maalmood.

Waxaana la doortay 46 xildhibaan kuwaas oo gobollada waqooyi ku matali doona Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka.

23 xildhibaan ayaa ku cusub Barlamaanka, halka 23 kale ay horey uga tirsanaayeen Golaha.

46 xildhibaan ee la doortay waxa dumar ka ah 13.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Gobollada Waqooyi ayaa noqonaya Guddigii ugu horeeyay ee soo gabagabeeya doorashada xildhibaannada ee Gobollada, kahor waqtiga loo qabtay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo oo ah 26 ka bishan Febraayo.

Doorashada xildhibaannada gobolladda woqooyi oo la soo gabogabeeyayRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay gabogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi, waxaa uuna u hambalyeeyay xildhibaannada cusub ee manta la doortay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay, isagoo dowlad-goboleedyada ku boorriyay inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category