Sawirro: Bannaanbaxyo ka socda Muqdisho

Muqdisho (RH)-Qaar ka mdi ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka dhacay bannaanbax dowladda looga soo horjeedo.

Goob-joogayaal ayaa Radio Hormuud u sheegay in dad u badan dhallinyaro iyo haween oo wata boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah dowladda ayaa isugu soo baxay degmooyinka Kaaran iyo Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Goobaha bannaanbaxyada ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo taageersan dadka bannaanbaxyda dhigaya.

Banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka ku gubaya taayaro waaweyn, isla markaana xiray wadada.

Qaar ka mid ah dadka bannaanbaxyada dhigaya oo la hadlay saxaafadda maxalliga ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan madaxweyne Farmaajo oo dalka galinaya xaalad qalqal ah.

Bannaabaxyada dowladda

Meelaha qaar dadka bannaanbaxyada dhigayay iyo ciidamada ammaanka ayaa isku dhacay waxaana jira khasaare laakin lama khasaaraha inta uu gaarayo.

Ammaanka xarrumaha dowladda ayaa aad loo adkeeyay tan iyo xaley oo waxaa la dhigay ciidamo aad u fara badan iyo gaadidka dagaalka.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in isku dhacyo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Mucaaradka dowladda ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ku shuban rabo doorashada soo socota.

Bannaabaxada dowladda looga soo horjeedo

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category