Saciid Deni oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa galabta galinka dambe soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni oo ka yimid magaalada Boosaaso ee xarrunta gobalka Bari, waxaa uu ka qeybgali doona shirka madaxda dowladda iyo maamul goballeedyada ee dhawaan ka furmaya Muqdisho

Wafdiga madaxweynaha Puntland, waxaa garoonka dyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo dad kale.

Magaalada waxaa horrey u sii joogay madaxweynayaasha Jubbaland, Axmed Madoobe, madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe, waxaa weli maqan qaar kale sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Wadahallada madaxda ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo in la dhammeestiro heshiisyadii bishii September.

Ilaalada madaxweynaha Puntland

 

Madaxweynaha Puntland waxa uu noqday madaxweynihii 3-aad ee maamul goballeedyada ee soo gaaray Muqdisho illaa hadda, waxaana magaalada weli soo gaaray madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo dibadda ku maqan, laakin maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay soo gaaraan.

Illaa hadda ma cadda waqtiga rasmiga ah ee shirka madaxda Soomaalida uu furmayo, iyadoo maalmahii soo socday ay socdeen dadaaalo looga hadlayo siddii shirkaas u qabsoomi lahaa.

Wafdiga madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category