Roobabka Guga oo Soomaaliya ku yaraan doona

Nairobi (RH)-Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka la saadaalinayo in ay ka dhacdo Roob yari, waxaana khuburada ay ku taliyeen in lala yimaado dadaalo looga hortagayo arrintaas.

Urur gobolleedka IGAD ayaa sheegay in la saadaalinayo in roob yari ay ka dhacdo Soomaaliya, maadama roobab ka yar kuwa la filayo ay da’ayaan xilli roobaadka soo socda oo billaabanaya bisha Maarso illaa laga gaaro bisha May ee soo socda.

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa lagu soo gabagabeeyay shir socday afar cisho kaasoo looga hadlayay sida looga hortagi karo cabsi laga qabo in roobab yari ay wajahaan waddamo ku yaalla geeska Afrika.

Shirka waxaa ka qaybgalay xubno ka socda dowladaha Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda, Suudan, South Sudan, Burundi, iyo Uganda.

Roobabka Guga oo Soomaaliya ku yaraan doona

Hey’addaha iyo dowladaha ka qaybgalay shirka ayaa fallanqeeyay sida loo waayay roobka bilihii October, November iyo December, waxaana la

Hey’addaha iyo dowladaha ka qaybgalay shirka ayaa fallanqeeyay sida loo waayay roobka bilihii October, November iyo December, waxaana la isla soo hadal qaaday sida loo maareen karo roob yaradi la filayo.

Dhammaan hey'addaha iyo dowladaha ka qeybgashay waxaa ay soo bandhigeen sida gargaar loo gaarsiin karo waddamadaas roob yaradi ay soo wajaheyso.

Roobabka Guga oo Soomaaliya ku yaraan doona

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category