Qodobo lagaga Dooday Shirkii Golaha wasiirradda Somaliland

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 32-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2019, waxa  lagaga dooday arrimo badan oo salka ku haya danta bulshada.

 

Waxa warbixin lagaga dhegaystay  wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha  Somaliland,  Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaaladda amni ee dalka iyo muhiimadda ay leedahay adkaynta xasilloonidu.

 

Sidoo kale waxa golaha wasiirrada loo qaybiyey nuqullada siyaasadda dhulka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta oo muhiimad weyn u leh guud ahaanba bulshada reer Somaliland.

 

Ugu dambayntii waxa ay  golaha wasiirradu ku dheeraadeen diyaargarowga qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh oo saaxiibada  Somaliland ee beesha caalamkuna danaynayaan inay xilligeeda ku dhacdo, xukuumaddana ay  ka go’an qabashada doorashada.

 

 

 

Category