Muxuu Xasan Sheekh ka doonay Baydhabo?

Baydhabo (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay magaalada Baydhabo, waa safarkii ugu horreysay ee Xasan Sheekh uu ku tego magaaladaas tan iyo markii xilka madaxweynaha dib loogu doortey 15-kii bishan May.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kale oo la filayaa inuu maalmaha oo soo socdo tego magaalooyinka Dhuusamarreeb iyo Kismaayo, sida ilo xog ogaal ay noo sheegeen.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah, xildhibaanno, wasiiro, taliyaha ciidamada xoogga iyo saraakiil kale oo ka shaqeeya xafiiska madaxtooyada.

Illaa hadda si rasmi ah looma sheegin safarka Xasan Sheekh uu ku tegay Baydhabo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category