Muqdisho: Kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo lagu kala kacay

Muqdisho (RH)-Waxaa maanta guul darro ku dhammaaday kulan ay la haayeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacayay xaruntooda kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlayo xaaladda cudurka COVID 19, balse xildhibaannada qaar ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu wado qorshe kale oo la qarinayo.

Xildhibaannadaas ayaa sheegay in dibadda baarlamaanka la keenay ciidamo fara badan oo dhar cad oo ka tirsan hey'adda nabad sugida, halka kuwa kale ay sheegeen in looga hadli lahaa ajnadaha la keenay ee ah cudurka COVID 19.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii dambe xarunta isaga tagay, sidaas ayuuna uu ku soo xirmay kulanka.

Kulanka ayaa tan iyo xaley la hadal hayay, waxaana ay sheegayaan in xildhibaannada ay doonayaan in muddo kororsi ay sameeyeen qorshe dowladda ay ka dambeesana uu yahay.

Xildhibaannada qaar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulanka looga hadli lahaa arrimo kale.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category