Midawga Afrika oo diidey dalabkii dawlada Soomaaliya

RH:  Ururka Midowga Afrika ayaa diiday codsi ugayimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku dooneysay in la bedelo dibna loo dhigo ergeyga sarre ee uu ururka midawga Afirka usoo dirayo dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay ururka ku dalbatay in la beddelo Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama oo dhawaan soo magacaabay guddoomiyaha guddiha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat intaas kadib DFS ayaa ka boodey ergaygan iyada oo ku eedeysay inuusan dhex-dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaalida.

Dowladda ayaa sababta ku sheegtay in John Mahama uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka, islamarkaana danahaas ganacsi dartood ay ergeyga saameyn ku yeelan karto dowladda Kenya oo xiisad ay kala dhaxeyso madaxweyne Farmaajo, inkastoo dhowaan xiriirka diblomaasiyadeed ee laba dal lasoo celiyey.

Dowladda ayaa sidoo kale codsatay in bedelidda ergeyga ka sokow, sidoo kale dib loo dhigo in ergey ka socda ururka uu yimaado Muqdisho, ayada oo ku dooday in fursad la siiyo wada-hadallada ra’iisul wasaare Rooble la gelayo madaxda dowladda goboleedyada, ayna suurta-gal tahay in lagu heshiiyo oo aan ergey loo baahan.

Hase yeeshee ururka ayaa ku gacan seeray codsiga dowladda federaalka ah, kuna adkeystay in John Mahama uu dhowaan iman doono Muqdisho.

Category