Maxay ka wadahadleen Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Masar?

Cairo (RH)-Ra’iisal Wasaaraha Dawlad Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii u danbeeyey safar shaqo ku joogay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha dalkaas oo lagu magacaabo Mustafa Madbuuli, iyaga oo kala saxeexday heshiisyo kala duwan oo isugu jira dhinacyada waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka.

Waxay sidoo kale ka wadahadleen “sare u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya”, sida uu baahiyay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha Dawlad Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii u danbeeyey safar shaqo ku joogay caasimadda dalka Masar ee Qaahira,

Kulanka kadib ayaa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka.

Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daud Aweys Jaamac.

Ra’iisal Wasaaraha Dawlad Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii u danbeeyey safar shaqo ku joogay caasimadda dalka Masar ee Qaahira,Ra’iisal Wasaaraha Dawlad Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii u danbeeyey safar shaqo ku joogay caasimadda dalka Masar ee Qaahira,Ra’iisal Wasaaraha Dawlad Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii u danbeeyey safar shaqo ku joogay caasimadda dalka Masar ee Qaahira,

 

Category