MAXAY ITOOBIYA USII DEYSAY SIYAASIYIINTII OROMADA EE U XIDHNAA?

Dowladda Itoobiya ayaa sii deysay siyaasiyiin caan ah oo mucaarad ah, xilli dalkaasi uu xusayay ciidda Masiixiga ee Orthodox Christmas.

Weriye caan ah isla markaana ah siyaasi Eskender Nega oo muddo ka badan 18 bilood xirnaa ayaa ka mid ah dadka la sii daayay. Waxaa xabsiga la dhigay bishii June sanadkii 2020 kaddib markii ay rabshado ka bilowdeen caasimadda Addis Ababa iyo gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromia, kaddib dilka heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.

Rabshadaha ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof. Siyaasiyiinta kale ee caanka ah ee la sii daayay waxaa ka mid ah Jawaar Maxamed iyo Bekele Gerba.

Qoraal uu soo dhigay baraha Facebook iyo Twitter ayaa Ra'iisl Wasaare Abiy Axmed wuxuu ku sheegay in dowladdu ay ka shaqeyn doonto soo afjaridda colaadda iyadoo u mareysa 'hannaan nabadeed iyo mid siyaaadeed'.

Waxaa jiray baaqyo caalami ah oo soo laalaabtay kuwaasoo lagu doonayay in lagu xlaliyo dagaalka sokeeye ee uu dhiiggu ku daatay ee ka dhacay gobolka waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigray.

Hadalka ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa ka muuqday jileec marka loo eego sida uu maamulkiisu aalaaba wacad ugu mari jiray inuu cagta marin doono mucaaadka.

Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay arrintan u sameyneyso iyadoo dooneysa in la gaaro dib u heshiisiin qaran sarena loo qaado "midnimada".

Ciidamada dowladda ayaa mucaaradka la dagaallamayay muddo sanad ah, kaddib dagaal ka dhacay waqooyiga dalkaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

Saraakiil sare oo caan ah kana tirsan TPLF ayaa ka mid ah dadka cafinta loo fidiyay.

 

Cafintan kedika ah ayaa imaaneysa kaddib dagaal socday muddo 15 bilood ah, kaas oo ciidamada dowladda ay dib ugu qabsadeen dhowr magaalo oo ay mucaaradku hore u heysteen.

Markii ay ku dhawaaqeysay cafintan, ayaa waaxda warfaafinta ee dowladda waxay qoraalka ku sheegtay in "furaha midnimo waarta uu yahay wada-xaajood. Itoobiyana ay nafta u huri doonto si tan loo gaaro".

"Ujeeddadeedu waa in waddada loo xaaro in hab nabad ah xal waara looga gaaro dhibaatooyinka Itoobiya ... gaar ahaanna iyadoo ujeeddadu ay tahay in guul laga gaaro wada-xaajood loo dhan yahay," ayaa lagu yiri qoraalka.

Balse qoraalka laguma xusin wada-xaajoodyo dheeraad ah oo lala galayo kooxda TPLF, oo bishii la soo dhaafay sheegtay inay diyaar u yihiin wada hadal haddii ay dowladdu sii deyso maxaabiista siyaasadeed ayna soo afjarto go'doominta muddada toddobada bilood ah saaran Tigray taas oo sababtay in cunto iyo daawo aan la gaarsiin gobolka.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda, siyaasiyiinta caanka ah ee TPLF ka tirsan ee la sii daayay waxaa ka mid ah Sibhat Nega, oo aasaasayaasha kooxda ka tirsan, iyo Abay Weldu, oo ah madaxweynihii hore ee gobolka Tigray.

Siyaasiyiin kale oo caan ah oo ka soo jeeda qowmiyado kala duwan ayaa sidoo kale la sii daayay.

afintan ayaa ku soo aadeysa xilli uu dalkaasi booqasho ku tegay Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman, oo labada dhinac ku cadaadinayay inay yeeshaan wada hadallo lagu soo ajarayo dagaalka.

Feltman, oo horraantii toddobaadkan ku dhawaaqay inuu xilka banneyn doono dhammaadka bishan, ayaa Khamiistii saraakiil ka socda dowladda wada hadallo kula yeeshay magaalada Addis Ababa.

Iyagoo 300km (186 meyl u jirsaday caasimadda, Addis Ababa, ayaa kooxda TPLF waxaa lagu qasbay inay dib u gurtaan kaddib markii ay rogaal-celis sameeyeen ciidamada dowladda.

Dagaalka Tigray ayaa qarxay bishii November 2020 kaddib markii Abiy uu amray in dagaal militari lagu qaado ciidamada gobolka. Wuuxu sheegay in looga jawaabayo weerar ay kooxda TPLF ku qaadeen saldhig militari oo ay ciidamada federaalku ku leeyihiin gobolka.

Haddaba waa kuma Jawaar Maxamed?

 

Jawaar Siraaj Maxamed waxaa uu sanadkii 1986 ku dhashay magaalada Dhumuga ee gobolka Arsi ee dalka Itoobiya. Aabbihii waxaa uu ahaa nin Oromo ah oo heysta diinta Islaamka, halka hooyadiina ay aaminsaneyd madhabta qibdiyiinta dalka Itoobiya looga yaqaanno Tulama.

Waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay shakhsiga ugu saameynta badan Itoobiyada casriga ee haatan jirta.

Jawaar waxaa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose kusoo qaatay iskool ay maamulaan madhabta katooligga oo ku yaalla magaalada Asella, waxaana sidoo kale waxbarashada dugsiga sare uu kusoo qaatay iskoolka Adama sanadkii 2003, xilligaas oo uu deeq waxbarasho ka helay jaamacad ku taala dalka Singapore. Waxaa uu jaamacaddaas ka qallin jabiyay sanadkii 2005.

Culluunta siyaasadda ayuu markii dambe jaamacadda Stanford ka bartay, oo waxaa uu ka qaatay shahaadada koowaad, waxaana uu ka qalin jabiyay sanadkii 2009, Sidoo kale shahaadada labaad ayuu sanadkii 2013-ka ka qaatay jaamcadda Columbia ee dalka Mareykanka oo uu ka bartay ka shaqeynta iyo sare u qaadidda xuquuqda aadanaha.

Jawaar Maxamed waxaa uu sanadihii dambe fadhigiisu ahaa dalka Mareykanka. Wuxuu door weyn ka qaatay kacdoonkii dalka Itoobiya ka dhacay sanadki 2016-kii. Intii uu jooga Mareykanka waxaa uu asaasay warbaahin lagu magacaabo Oromia Media Network.

Jawaar oo ay dalka Itoobiya ugu dambeysay sanadkii 2008 kahor inta uusan kusoo laabanin ayaa waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka uu ka hirgeliyay stuudiyo, halkaaas oo uu warbaahinta OMN iyo baraha bulshada uga hadli jiray "dhibaatooyin" uu sheegay in dowladdii uu hoggaaminayay Hailemariam Desalegn ay ku heyso dadka Oromada iyo guud ahaan dalka Itoobiya.

Wuxuu ahaa shakhsigii aasaasay OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey.

Waxaa uu baraha bulshada iyo warbaahinta uga dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqda dadka Oromada, isagoo hadba muuqaallo ama farriimo soo dhigi jiray warbaahinta OMN iyo baraha bulshada.

Jawaar akoonnada uu ku leeyahay baraha bulshada waxaa ku taxan kumannaan qof oo uu saameyn ku leeyahay.

 

xigasho BBC

Category