Maxaa ka jiro in la xiray darewaladii iyo gaadiidkii waday dadkii Laasacaanood laga soo raafay?

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa waraysi uu BBC-da siiyay ku sheegay inaysan jirin cid la xiray ama xabsi la geeyay isaga oo beeniyay wararka sheegayay in la xiray darawaladii waday gaadiidka ay saarnaayeen dadkii laga soo musaafuriyay Laascanood.

"Ma jiraan dad la xirxiray ama xabsiga la geeyay balse waxaan go'aansannay in gawaarida la dhigo si dadka xaaladdooda loo baaro, waa in marka hore la hubiyo in waaridka uu ilmahooda u dhamaystiranyahay ," ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale Puntland ayaa guddi wasiirro ah u saaray sidii wax loogu qaban lahaa oo gacan loo siin lahaa dadka Somaaliland ay ka musaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka sool.

Category