Maxaa ka cusub shirkii Farmaajo uu ku dhawaaqay inuu maanta dhaco?

Muqdisho (RH)- Magaalada Muqdisho waxaa weli furmin illaa hadda shirka wadatashiga ee madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu xaley ku dhawaaqay in ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka, maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in shirkii Baydhabo ay ku yeesheen guddiyo faramo oo ka kala socday dowladda federaalka, maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir, inuu go'aansaday in uu ku dhawaaqo shir labo cisho socon doona oo ka dhacaya Muqdisho, si heshiis looga gaaro arrimaha doorashada.

Illaa hadda ma jirto cid sheegtay in aysan ka soo qeybgaleynin shirka madaxweynaha uu ku dhawaaqay, balse ma jiro illaa hadda wax war ah oo laga hayo shirka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in madaxda shirka ka qeybgaleysa ay magaalada Muqdisho soo gaari doonaa illaa galabta lagana yaabo in waqtiga shirka loo ballamay waxoogaa uu dib u dhaco.

Dhinaca kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ku teedsan madaxtooyada iyadoo lagu arkayay maanta gaadidka dagaalka iyo ciidamo farabadan.

Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa shaley mamnuucay isku imaatinka bulshada, waxaana ay sheegeen in tallaabadaas loo yeelay maadama uu xanuunka COVID 19 uu dalka ku soo labakacleeyay.

Fagaaraha daljirka Daahsoon

Go'aanka dowladda ayaa ku soo beegmeysa iyadoo maalinta berri ah la filayo in uu ka dhaco bannaanbax weyn oo ay dhigayaan musharixiinta mucaaradka.

Safaraadaha  iyo hey'adda kale ajaaniibta ee ku sugan Muqdisho, ayaa soo saaray digniino ay u dirayaan muwaadiniintooda iyo shaqalahooda maadama ay mucaaradka ku adkeysteen in la qaban doono bannaanbaxa.

Si kastaba, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta degan, laakin waxaa jirta cabsi weyn oo ku aadan in ay dhici karaan iska hor imaadyo u dhexeeya mucaaradka iyo askarta dowladda.

Dowladda ayaa ka digtay in laga qeybgalo bannaabaxyadaas, sida uu sheegay wasiirka amniga dalka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category