Masuuliyiinta 6’da Maamul Magaalo ee DDSI Oo Tababar Loo Soo Xidhay

Jig-jiga(RH)Waxaa  magaalada jig-jiga lagu soo gabagabeeyay tababar maalmahanba Uga socday mas'uuliyiinta iyo khabiirada 6da maamul-magaalo ee deegaanka islamarkaana uu soo agaasimaay xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI. Iyadoo tababarkana ujeedadiisu ahayd kor uqadisa awooda fulineed ee masuuliyiinta iyo khabiirada MM, kuna baranayeen casharo laxidhiidha istaraatijiyadaha iyo siyaasadaha horumarinta magaalooyinka iyo waliba shuruucda mashruucyada cusub ee MM.

 

tababarkan ayaa waxa xidhitaankiisii ka hadlay wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha  Jamaal faarax war-mooge oo sheegay in tababarkani  uu ahaa mid ay kaqaybgalayaashu kubarteen cashiro badan oo muhiim ah oo kuqotam horumarinta magaalooyinka oo ay kamid yihiin startiijiyadaha iyo siyaasada horumarinta magaalooyinka.  Mahaariicaha cusub Wuxuuna xusay in tababarkan ay masuuliyiintu kubarteen dalku dhamaan nidaamyada iyo jihooyinka uu dalku qaatay ee lagu horumarinayo magaalooyinka

Wuxuu wasiirku kula dardaarmay ka qaybgalayaasha in sifiican looga hirgaliyo magaalooyinka dhamaan siyaasadaha iyo staraatijiyadaha ee ay kamidka yihiin xidhmooyinka maaraynta dhulka, nadaafada iyo bilicda magaalooyinka iyo cagaarinta slamaraakaan ay kamidho dhaliyaan dhamaan qorshayaasha sanadkan 2011 ee uyaala magaalooyinka si loola tartamo magaalooyinka deegaanada dalka.

Gaba-gabadii masuuliyintii tababarkan qadanaysay oo dhankooda kahadlay ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin tababarkan ay qaateen islamarkaana ay kafaaiideen casharo badan oo laxidhiidha horumarinta magaalooyina. Waxayna xuseen in cahsaradan ay barteen ay ficl kumuujinayaan islamarkana ay kamidho dhalinayaan qorshayaasha u yaala

 

Category