Magaalada Hargeysa Oo laga  Furay Tabobar Ku Saabasan Xeerka Ka Hortaga Maydhaanka Lacagaha.

Hargeysa(RH):-Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi), ayaa tabobar ku saabsan habraacyada iyo warbixinaha maaliyadeed ee la xidhiidha xeerka ka hortaga maydhaanka lacagaha u Furey  xubno ka kala socday hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Tabobarkaas oo socday muddo laba cisho ah wax aka qayb galay masuuliyiinta ugu sareysa Baanka dhexe iyo xubnihii loo qabtay tabobarkaas oo lagu barayey xeerka ka hortaga maydhaanka lacagta, habraacyada ka farcamaya iyo hanaanka loo dabaqayo.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda korjoogeynta hay’adaha maaliyada ee Baanka dhexe Cabdiraxmaan Muuse iyo agaasimaha waaxda dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee Baanka dhexe Mawliid Faarax Muuse, oo ugu horeyn u mahadceliyey ka soo qaybgalayaasha sida waaagsan ee ay u soo ajiibeen ka soo qaybgalka tabobarkaas, iyaga oo intaas raaciyey in ay halkaas ka sii wadi doonaan tabobarada noocaas oo kale ah, isla markaana ujeedadu tahay sidii dhaqaalaha dalka laysaga kaashan lahaa bedqabkiisa iyo xaqiijinta habka uu u socdo.

Waxa kale, oo halkkaas ka hadlay xubno ka mid ah xubnihii tabobarka qaadanayey oo xusay waxyaabaha ay ka faa’iideen, waxayna Baanka dhexe ee Somaliland uga mahadnaqeen horumarinta dhinaca shuruucda maaliyadda ee dalka.

Sidoo kale, waxa isna halkaas ka hadlay agaasimaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Xasan Carwo, oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada tabobarkaas ayaa sheegay in ay tahay sidii kalsooni loogu qabi lahaa hay’adaha maaliyadeed ee dawladda, wuxuuna intaas raaciyey in la xaqqiijinayo lacagaha ka baxaya iyo kuwa soo galaya dalka in ayna ku iman sifo  sharci daro ah.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi)  oo xubnihii tabobarkaas qaatay kula dardaarmay in ay aqoonta ay barteen ku dabaqaan shaqooyinka ay gacanta ku hayaan xeerka ka hortaga maydhaanka lacagaha, isaga oo xusay faa’iiad uu xeerkaasi u leeyahay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana fududeynaya sidii Baananka dalku xidhiidh ula sameyn lahaayeen Bangiyada caalamiga ah ee adduunka.

 

Category