Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Maraykanka

New York (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray dalka Maraykanka.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka qeyb geli doono shirka golaha ammaanka QM gaar ahaan meertada 77-aad, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo ay u tahay markii ugu horreysay oo u tego Maraykanka tan iyo markii xilka madaxweynaha mar kale loo doortey 15-kii May ee sannadkan ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona wafuuda ka soo qeybgalaysa shirka iyo madax ka tirsan dowladda Maraykanka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category