Madaxweyne Farmaajo oo safar dibadeed u baxaya

RH: Afhayeenadda Madaxtooyada Uganda, Lindah Nabsayi oo la hadashay Warbaahinta chimpreports.com ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu kamid ah yahay madaxda ka qeybgaleysa caleema saarka madaxweynaha Uganda oo markii 6-aad ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimada ee bilowgii sanadkan ka dhacday Uganda.

Caleema saarka Madaxweynaha dalkaas Yoweri Kaguta Museveni ayaa 22-ka bishan ka dhici doonta Caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Nabusayi ayaa sheegtay in Farmaajo uu ku jiro liiska madaxwayneyaasha la filayo in ay gaaraan magaala madaxda Uganda ee Kampala Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May.

Category