Madaxweynaha Somaliland Oo Xukuumadiisa ku Sameeyey xil ka qaadis ,magacaabid iyo isku-bedel

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-172/072018, uu xil ka qaadis, magacaabid iyo isku-bedel ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumaddiisa.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Markaan Arkay:          Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:          Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:  In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:    La-tashi Ballaadhan;

 

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

1.      In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Tir           Magaca                Xilka

1.            Admiral Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane               Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha

2.            Mustafe Godane Cali Bile             Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska

3.            Cabdirashiid Xuseen Cabdille Gargaar     Guddoomiyaha Gobolka Sool

4.            Amaal Cabdi Xasan          Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda Dhawrista Tayada

 

2.      In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas'uuliyiintan u beddelo xilalkan:

 

Tir           Magaca                Xilka

1.            Admiral Guuto Cabdi Xirsi Ducaale            La-taliyaha Madaxweynaha ee Maamulka iyo Amniga Badda

2.            Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

 

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

 

1.      Ku: Mudane Cali Maxamed Cali Nuur,

       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

 

 

Mudane,

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

 

 Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi oo ah Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

 

Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta in uu u kala wareejiyo labada mas'uul xilka, sida ugu dhakhsaha badan. 

2.      Ku: Mudane Cabdi Khayre Dirir,

       Guddoomiyaha Gobolka Sool

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Mudane,

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Guddoomiyaha Gobolka Sool.

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool.

 

Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilka labada mas'uul, sida ugu dhakhsaha badan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

 

          

 

Category