Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyeeyey Ra’iisul-Wasaaraha Cusub ee Dalka Ingiriiska

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa  soo dhaweeyey isla markaana bogaadiyey Hoggaamiyaha cusub ee xisbiga Conservative ahna Ra’iisul-wasaaraha cusub ee UK Mr. Boris Johnson.

Waxaa Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi uu dhambaal hambalyo oo uu ku daabacay bartiisa Twitterka, uu ku sheegay in Jamhuuriyada Somaliland iyo shacabkeedu ay bogaadinayaan Boris Johnson oo ku guulaystay Hoggaamiyaha cusub ee xisbiga Conservative-ka iyo Ra’iisul-wasaaraha cusub ee UK.

dr

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay inuu ka rajaynayo xidhiidhka  saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeyey labada dal. Waxaanu intaas ku daray inuu u rejayno guul iyo horumar Ingiiriiska muddada uu  xilka hayo Ra’iisul-wasaaraha cusub ee UK.

Mr. Johnson wuxuu tartanka xisbiga Conservative-ka  dhexdiisa si aqlabiyad ah uga guulaystay  Xoghayaha Arrimaha dibadda UK Jeremy Hunt.

Mr. Boris Johnson waxa u coddeeyey 92 Kun iyo  153  qof, halka Jirimi Hunt uu helay  46 Kun, Lix Boqol iyo Lix iyo Konton cod.

 

Category