Madaxweynaha jsl iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Gobolka Sanaag.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta safar Shaqo oo dhinaca cirka ah ugu kicitimey Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

 

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la xidhiidha hawl maalmeedkiisa shaqo, waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xildhibaano ka tirsan labada gole, xubno kamida Golaha Wasiirada.

Safarkiisa Shaqo ee Madaxweynuhu uu baxay Gobolka Sanaag ayaa qaadan doona maalmo uu halkaasi u joogi doono isaga iyo waftigiisu hawlo shaqo.

 

Category