Madaxwaynaha DDSI Oo Xadhiga ka Jarey Mashaariic Horumarineed Oo laga Hirgaliyey Jig-jiga

Jig-jiga(RH)Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xadhiga ka jarey Mashaariic horumarineed oo ah guryo wadareedyo si casri ah loo dhisay islamarkaana tiradoodu dhantahay 130 Guri oo gurigiiba ka koobanyahay ugu yaraan 9 qol.

dhismayaashan guryo wadareedyada kala duwan ee laga hirgaliyay xarunta deeganka ee magaalada jigjiga ayaa noqon doono kuwo yareeya baahida guryo la’aaneed ee caasimada deegaanka maadaama uu heerka koradhka bulashada caasimada deegaanka ee  magaalada jigjiga uu marba marka ka danbeysa sii laba jibaarmayo, iyadoo mashaariicahan balaadhan ee uu madaxwaynuhu xadhiga ka jaray ay ku kala yaalaan xeeradii hore ee ciidanka qaranka ee loo yaqaanay garabcase balse xadhig kajarkii xaafadan cusub loo bixiyay xaafada shawli oo ah xaafada  cusub oo kusoo koradhay magaalada jigjiga islamarkaana wax wayn kabadali doonta bilacda magaalada jigjiga. Waxaana mashaariicahan mudadii ay socdeen kor uqaadeen kobaca dhaqaale ee bulshada ku dhaqan xarunta deegaanka ee ka faaiidaysanyay dhismayaasha mashaariicaha guriyaynta.

madaxwayne Cabdi Maxamuud cumar  ayaa xadhiga kajaray dhismayaasha guryowadareedyo  G+1 ah oo  sida casri ah loo dhisay oo ku yaala xeradii hore ee  ciidanka qaranka qaybta cirka ee loo yaqaanay AYER HAIL oo ka kooban 30 Gibi oo G+1 ah oo uu midkiiba yahay 10 qol. Wuxuuna madaxwaynuhu u hambalyeeyay shirkadihii dawliga ahaa iyo kuwii aan dawliga ahayn ee fuliyay dhismayaasha mashaariicahan iyo waliba injineeradii fuliyay ee deegaanka, waxaa kale oo uu madaxwaynuhu ugu hambalyeeyay mudadii gaabnayd ee aan 3da bilood ka badnayn ee lagu dhisay mashaariicahan, isagoo madaxwaynuhu cadeeyay in dhismayaasha guryo wadareedyadan laga wado deegaanka aysan halkaas ku istaagi doonin balse lasii wado doono.

Waxaana xusid mudan in hirgalinta mashaariicaha guryo wadareedyadan laga fuliyay caasimada deegaanka aysan ahayn markii koobaad iyo goobtii 1aad ee laga fuliyay balse ay kamid yihiin qorashayaasha horumarineed ee GTP2 islamrkaana laga fuliyay degmooyinka iyo maamul  magaalooyinka deegaanka. Iyadoo barnaamijka guriyayntu uu kaalin muhiim ah kayahay bilacda iyo balaadhinta magaalooyinka deegaanka iyo waliba baahida guryo la’aaneed ka jira deegaanka.

Ugu danbayn Dhismayaasha guryo wadareedyada laga hirgaliyay xarunta deegaanka oo ah kuwo kamid ah qorshayaasha horumarineed ee guriyaynta ayaa waxay wax wayn ka badali doono bilacda caasimada iyo baahida dhanka guryaha ee ka jira deegaanka.

 

Category