Madaxda Soomaaliya oo maalintii labaad shir uu uga socdo Muqdisho

Muqdisho (RH)- Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirka wadatashiga qaranka ee u dhexeeya madaxda DFS, Maamul goballeedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana shirka maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ee ka jirta Soomaaliya oo laga cabsi qabo in ay isku baddesho macluul.

Madaxda ayaa maanta waxa ay warbixin ka dhageysteen ergayga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan arimaha gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergayga ayaa madaxda la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladaha ka jira gobollada dalka ee abaaraha ay ku dhufteen, caqabadaha ka jira in gurmadka la geeyo deeganno dhowr ah, iyo qorshaha looga hortagayo abaaraha.

Madaxda shirka ka qeybgalaysa ayaa ergayga uga mahaceliyay dedaalada uu wado ee ku saabsan u gurmashada dadka abaaraha ay ku dhufteen.

Madaxda ayaa isla gartey si wadajir ah loo wajahayo wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka.

Hey'addaha QM ayaa sheegay in abaarta ay saameesay tiro ku dhow 7 milyan oo qof, halka xoolaha ay abaarta ay saameesay kor u dhaafayaan illaa 10 milyan neef oo isugu jira Lo' Geel iyo Ari.

Sidoo kale, abaarta ayaa barakicsay illaa 700,000 oo qof, iyadoo laga digay in haddii xaaladda degdeg waxbo looga qaban in ay isku baddeli karto macluul.

Madaxda shirka ka qeybgalaysa ayaa kala ah, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra'iisal wasaaraha xil gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, shanta madaxweyne ee maamul goballeedyada iyo duqa Muqdisho.

Sida qorshaha uu yahay shirka oo loogu talagalay in uu socdo labo maalin, ayaa la filayaa in madaxdu ay maanta gallinka dambe ay soo saaraan war-murtiyeed ku saabsan wax yaabaha ay ku lafagureen.

Madaxda Soomaaliya oo maalintii labaad shir uu uga socdo MuqdishoMadaxda Soomaaliya oo maalintii labaad shir uu uga socdo MuqdishoMadaxda Soomaaliya oo maalintii labaad shir uu uga socdo MuqdishoMadaxda Soomaaliya oo maalintii labaad shir uu uga socdo Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category