Madaafiic lagu tuuray Xalane iyo shirka Afisyooni oo galay maalintii afaraad

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda shirka u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goballeedyada iyo duqa Muqdisho.

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan, waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, raysal wasaare Rooble iyo madaxda maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle iyo Duqa Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa saaka madaafiic lagu tuuray xerada Xalane oo ay galabta galinka dambe ku shiri doonaan madaxda maamul goballeedyada iyo xubnaha beesha caalamka.

Illaa afar qof ayaa ku dhintay dhowr kale oo shacab ahna waa ay ku dhaawacmeen, hoobiyayaasha ku dhacay xaafado ku yaalla xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa maanta galinka dambe waxa ay xerada Afisyooni ah kula kulmi doontaa shanta madaxweyne ee maamul goballeedyada.

Beesha caalamka ayaa shaley sheegtay in haddii uu shirkan fashilmo aysan Soomaaliya ka taageeri doonin arrimaha doorashooyinka, waxa kale oo ay sheegeen in aysan aqbli doonin doorasho hal dhinac ah.

Beeshan ayaa shirkan waxa ay u qabaneynaa bal in ay dhageysto tabashooyinka ay qabaan maamullada qaar.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category