Laasacaanood (RH)-Magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool, waxaa maalmahan ka socda shirweyne lagu dhisayay maamul cusub oo ay yeeshaan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Shirarkan ayaa waxa uga dambeyn looga dhawaaqay maamulka waqooyi bari, kaasoo noqon doona maamulkiii lixaad ee laga dhiso Soomaaliya ee heer federaal.
Maamulkan oo horrey loo oran jiray Khaatuma, waxa uu ka arrim doonaa saddex gobol oo kala Sool, Sanaag iyo Ceyn, waa maamul cusub oo dhinacyada ay daris ka yihiin Somaliland iyo Puntland.
Somaliland oo ku dhawaaqday Soomaaliya in ay ka go'day 1991-dii laakin aan helin ictiraaf rasmi ah iyo Puntland oo ahayd maamulkii ugu horreeyay ee heer federaal ee laga dhisay Soomaaliya ayaa ka hor yimid dhismaha maamulkan cusub, waxaana ay sheegeen in maamulkan ay gadaal ka riixayso dowladda federaalka Soomaaliya.
Horrey waxaa uga jiray Soomaaliya maamullada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo Hirshabeelle.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia