Koox beeleed ku Hanjabtay inay Dagaal ka Ridi-Doonaan magaalooyinka Somaliland

Ceerigaabo(RH)Dablay Hubaysan ayaa Gobolka Sanaag ka afduubtay Gaadhi ka mid ah gaadiidka u shaqeeya Xarumaha Caafimaadka ee Gobolkaasi, kaasi oo markii dambe la soo dhigay sawirkiisa Baraha Bulshadu ku xidhiidho,islamarkaana lagu muujiyay koox dhalinyaro ah oo hubaysan oo gaadhigaasi la tagtay,waxa sidoo kale shir jaraa’id ku qabtay Gobolkaasi Salaadiin iyo waxgaradka ka soo jeeda beel degta Gobolkaasi,Waxaanay Xukuumadda Ugu Hanjabeen inay dagaal ka ridayaan Hargeysa,Burco iyo Berbera haddaan ooda laga qaadin saddex nin oo Hargeysa kaga xidhan.

Gaadhigan la afduubtay oo nooca Ambalance-ka loo yaqaan ah, ayaa sida la sheegay si gaar ah ugu qornaa ama ka hawgalayay Xarunta Caafimaadka Degmada Xiis ee Gobolka Sanaag, waxaana sida warkan lagu sheegay ay Kooxdan dablayda ahi xoog ugaga kaxaysteen Magaalada Ceerigoobo ee Caasimada Gobolka Sanaag dhexdeeda. Sida warkani nagu soo gaadhay waxa ay kooxdani gaadhigan ka helaan Goob geerash ah oo la dhigay gaadhigaasi,way talaasheen,dabadeedna sidaasi ayay ugala ambabaxeen, iyagoo markii dambe baraha Bulshada soo dhigay gaadhigaasi oo ay ku haystaan meel aan magaalo ahayn ee kayn ah.

Majirto xog rasmi ah oo sheegaysa cidda ay ka tirsan yihiin Kooxdaasi dablayda ah ee Gaadhiga Ambalance-ka ah ee Arimaha Samo falka Caafimaadka ka shaqaynayay afduubatay,mana jirto wax faah faahin ah oo ku saabsan gaadhigaasi oo illaa shalay ka soo baxday dhinaca Xukuumadda Somaliland ama maamulka Gobolka Sanaag balse sida lagu baahiyay Baraha Bulshada Sawiradda Kooxdaasi afduubka gaysatay,waxa loo badinayaa inay ka mid yihiin koox jabhad ah oo uu horjooge u yahay Askari ka falaagoobay Ciidanka Qaranka Somaliland kaasi oo xarun ka samaystay Gudaha Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland oo ay xuduud wadaagaan Somaliland islamarkaana uu ka dhexeeyso Cadaawad guun ah iyo Muran xagga Xuduuda ah oo ay Ciidamada Labada Dhinac isku hor fadhiyaan Duleedka Caasimada Maamulka Puntland ee Garowe.

Waa gaadhigii labaad ee Adeegga Dawladda Gobolkaasi ka shaqaynayay ee ay ay afduubtaan dablay Hubaysan, waxaana gaadhigii kan ka horeeyay ee sidan oo kale loo afduubtay ee uu lahaa Baanka Dawladda ee Gobolka Sanaag sheegtay inay afduubteen Dablay ka tirsan Kooxda uu dhinaca maamulka Puntland lagalay Askarigii ka falaagoobay Ciidanka Qaranka Somaliland ee lagu magacaabo Caare.

Dhinaca kale Waxgarad iyo Cuqaal ka soo jeeda beel degta Gobolka Sanaag ayaa Xukuumadda ugu hanjabtay inay dagaal ka ridayaan Magaalooyinka Waa weyn ee Somaliland haddii aannay Xukuumaddu siidayn saddex nin oo ay sheegeen inay ku xidhan yihiin Xarunta Dambi baadhista Hargeysa waxaanna hadaladooda ka mid ahaa sidan “Inagu inaan isku askarayno may ahayn Muuse Biixi-ow, Anagu waxaanu imika kaa codsanaynaa inaad soo dayso nimankaasi, haddii aanad soo dayn runtii Falal ayaan ku kacaynaa,waanu jabhadaynaynaa, waxaanu doono ayaanu samaynaynaa, wadankayaga illayn anaga yaa lehe,mana soo dhaafi doonti halka aad joogto,waxaanu ku leenahay haddii aad nabad rabto oo aad wanaag rabto,oo aad madaxweyne Sheeganayso iska soo daan nimankaasi”.

Waxa kale oo ka mid ahaa “Waxaanu leenahay Saddexdaasi nin waa inaad xoriyaddoodii u soo Celiso, saddexda Gole qaranna waa Ogaysiis aanu bixinayno, haddii la siidayn waayo sida kuwaasi Bari qabtay anagu qaban maynee,Hargeysa Gudaheeda ayaanu ka bilaabaynaa, sidoo kale Hargeysa, Berbera iyo Burco mar ayay ka wada dhici doontaa Xabaddu, saddex iyo labaatan saacaddood gudahood saddexdaasi nin Xorriyaddooda haloogu soo celiyo ama halanoogu sheego dambiga ay galeen”.

Sidoo kale waxa hanjabaadooda ka mid ahaa“Waxaan su’aalayaa Madaxweynaha, Ma adiga ayaa Madaxweyne ka ah dalka mise Wasiirka arimaha gudaha, saddexdaasi nin iyo qaar kale oo faro badan oo salaadiin ah ayaa xaqdaro ku xidhan, haddii aad ogtahayna waa Masiibo, haddii aanad ogaynna waa masiibo ka wayn, haddii aan si deg deg ah nimankaasi xoriyaddooda loo siin taladii farahayaga ayay ka baxday, Nabadgalyo dambena la iskugu iman maayo, Dadku waa wada care”. Ayay hadalkooda ku soo koobeen.

Category