Khilaafka u dhexeeya Deni iyo Axmed Karaash oo meel adag gaaray

Garowe (RH)-Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa meel adag gaaray, kadib markii ay hawada isu mariyeen muran ku aaddan cidda awoodda u leh magacaabidda iyo xil ka qaadista mas'uuliyiinta maamulkaas.

Axmed Karaash ayaa qoraal uu xalay saqdii dhexe soo saaray ku sheegay in maadaama aanu Deni ku sugnayn gudaha Puntland uu isagu leeyahay awooddaas.

Siciid Deni oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabis uu sameeyay Karaash.

Xiggasho: BBC

Category