Khilaaf Xoogan Oo Mar kale ka Curtey Wasaaradda Maaliyadda Somaliland

Hargeysa(RH)Waxaa maalmihii u dambeeyay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ka taagnaa Buuq iyo isfaham la”aan gaadhay in qoraal turxaan leh ay iswaydaarsadaan Maamulayaasha Mid ka mid ah waaxyaha cashuuur Ururinta Wasaaraddaasi, arintaasi oo maashquul galisay Guud ahaan Shaqo maalmeedkii Xafiisyadda Cashuuraha Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Buuqan ayaa ka dhashay sida ka muuqata Qoraal Wargeyska Foore helay oo ku saabsan 33- Sarkaal oo hawlgalayay Xafiisyadda Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex oo lagu sameeyay isku shaandhayn iyo isku badel shaqo iyo sidoo kale Shaqo ka fadhiisin, Arintaasi oo dhamaan saamaysay,

waxaana arintaasi ganafka ku dhuftay Maamulaha Cashuuraha Berriga Maxamed Ducaale Xasan, kaasi oo qoraal uu ku socod siiyay Shaqaalihiisa ku amray inaanay dheg jalaq u siinin Isku shaandhayn uu sheegay inaanay kasoo bixin Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Sacad Cali Shire,waa sida uu qoraalka u dhigaye. Ugu horayn Qoraalka Warqadda isku shaandhaynta ah ee lagu sameeyay 33-ka Sarkaal oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Maxamed Maxamuud oo ku taariikhaysnayd 31/01/2019, ayaa  u dhignayd sidan “Laga Bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 31/01/2019, ayaa waxa ay saraakiisha Magacyadoodu hoos ku qoran yihiin loo badelay Goobaha ku hor qoran.

 

  1. 1.Bashiir Cabdilaahi Maxamuud- Maamulaha Gobolka Maroodi Jeex
  2. 2.Sakariye Cabdi Cali- Maamule Ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jeex
  3. 3.Maxamed Muuse Axmed- Maamulaha Degmada Gacan Libaax
  4. 4.Jamaal Aadan Maxamuud- Maamulaha Degmada Ibraahim Koodbuur
  5. 5.Cabdiqani Ibraahim Maxamuud- Maamulaha Degmada Axmed Dhagax
  6. 6.Cabdirsiaaq Sheekh Ismaaciil Cabdilaahi- Maamulaha Degmada Maxamuud Haybe
  7. 7.Maxamed Xuseen Huriye- Maamulaha Degmada 26-Ka Juun
  8. 8.Fahad Axmed Xuseen- Maamulaha Beerta Xorriyadda
  9. 9.Cadnaan Qursheekh Xasan- Maamulaha Xafiiska Gol-Janno
  10. 10.Farxaan Xasan Cali- Maamulaha Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka
  11. 11.Hodan Cali Cabdi- Khasnajiga Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka
  12. 12. Cabdiqaadir Muxumed Jaamac- Maamulaha Xafiiska Maxkamadaha Gobolka M/Jeex
  13. 13. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Cabdilaahi- Maamulaha Xafiiska Laanta Socdaalka
  14. 14. Hodan Maxamed Xasan- Khasnajiga Xafiiska Laanta Socdaalka
  15. 15. Ismaaciil Aadan Cabdilaahi- Maamulaha Xafiiska Gantaalaha
  16. 16. Ismaaciil Iidaan Yuusuf- Maamulaha Xafiiska Daloodho
  17. 17. Sharmaarke Saleebaan Muuse- Maamulaha Xafiiska Total
  18. 18. Axmed Maxamed Aadan- Maamulaha Xafiiska Idaacadda
  19. 19. Maxamed Axmed Xasan- Maamulaha Xafiiska New Hargeysa
  20. 20. Maxamed Ducaale Xasan- Xafiiska Cashuuraha Barriga Ee Boorama
  21. 21. Khaddar Maxamed Xasan- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga
  22. 22. Maxamed Quulle Aadan- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga
  23. 23. Cabdiqaadir Maxamed Ibraahim- Maamule Ku Xigeenka Degmada Maxamuud Haybe
  24. 24. Mustafe Maxamed Ciise- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga
  25. 25. Cabdi Aadan Maxamuud- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga
  26. 26. Maxamed Cabdilaahi Ismaaciil- Xarunta Degmada 26-Ka Juune
  27. 27. Yaasiin Jaamac Axmed- Xafiiska Star
  28. 28. Cabdirashiid Cabdi Sheekh Muxumed- Xafiiska Degmada Ibraahim Koodbuur
  29. 29. Cawaale Axmed Xirsi- Xarunta Degmada 26-Juun
  30. 30. Maxamed Rashiid Cabdilaahi- Xafiiska Xarunta Axmed Dhagax
  31. 31. Maxamed Cali Jaamac- Xarunta Degmada Gacan Libaax
  32. 32. Ifraax Haybe Cigaal- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga
  33. 33. Hodan Cabdiraxmaan Axmed- Xafiiska Diiwaan Gelinta Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga

Intaasi markii ay soo baxday ayaa waxa qoraal ku daadafiyay Magacaabistaasi Maamulaha Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex waxaanu qoraal uu ku socodsiiyay Shaqaalihiisa ku yidhi sidan “Dhamaan Maamulayaasha Xafiisyadda Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex waxaan ku wargalinaynaa in Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berrigu leeyahay oo qudha soo jeedin ee aanu lahayn isku badel, waana dambi inuu awoodii Wasiirka uu sheegto Agaasime Waaxeed, Balse waxaan sugaynaa sida uu Wasiirku uga Go’aan qaato, Haddaba Waxaan mar labaad idinku wargalinayaa in isku badelkaasi aanay waxba ka jirin, waana wax aan sharciyad lahayn, shaqadeenu maaha Male awaal”.

Waxa kale oo uu ku sii yidhi qoraalkaasi oo uu Og-siiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Maaliyadda, sidan “Sidaa darteed waxaan burinaynaa waxan Isku badelka loogu yeedhay, Waxaana idinku adkaynaynaa inaad dakhli maalmeedkiinii ururisaan, Masuuliyiinta Wasaaradda ee Warqaddan ogaysiinta ku lehna waxaana la socodsiinnaynaa maalintii la soo badelay maalintii xigtay in agaasime waaxeedku uu badel ku sameeyay Khasnajiyiintii, maantana oo ay muddadiisii xil hayntu tahay afar cisho uu aargoosi qaawan ku kacay” ayaa qoraalka warqadaasi lagu yidhi.

 

Waxa sannadkii hore Wasaaradda Maaliyadda ka qarxay Khilaaf Caynkan oo kale ah kaasi oo aakhirkii sababay in dhamaan Masuuliyiintii ugu saraysay Wasaaradda laga caydhiyo.

 

Category