Imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare oo ka billowday deeganka Soomaalida.

Jigjiga (RH)-Guud ahaan dalka Itoobiya, waxaa maanta oo Isniin ka billowday imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare, ee ah kan ugu dambeeyay ee ardaydu ugu gudubto waxbarashada jaamacadaha.

Deegannada uu ka furmay imtixaanka waxaa ka mid ah deeganka Soomaalida, waxaana u fadhiistay arday gaaraysa 20,211 sida wasaaradda waxbarashada laga soo xigtay.

Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar ayaa daahfuray imtixaanka deeganka oo lagu galayo illaa 128 dugsi oo ku yaalla deeganka oo dhan.

Madaxweyne Cagjar oo hadal kooban sheegay markii uu imtixaanka daah furayay isagoo ku sugan dugsiga sare ee Jigjiga, ayaa sheegay inuu ardaydu u rajaynayo natiijo wanaagsan.

Waxa uu  ku dhiirri-geliyay in ay aqoontooda tijaabiyaan oo si kalsooni lehna uga shaqeeyaan imtaxaanka.

Imtixaanka ka billowday deeganka Soomaalida

Gobollada imtixaanka deeganka Soomaalida uu ka dhacayo waxaa ka mid ah, Jarar, Siti, Daawa, Af-dheer, Erar, Shabeelle, Qorraxaey iyo Nogob.


Dalka Itoobiya imtixaankan waxa uu yahay sannad-dugsiyadeedkii 2013.

Imtixaanka ka billowday deeganka Soomaalida

Radio Hormuud

Studio 3

Jigjiga Somali galbeed

Category