Hanti-dhawrka Qaranka Oo lagu Wado inuu Soo Bandhigo Baadhis Uu Ku Sameeyay Laamaha Dowlada

Hargeysa(RH)Hantidhawrka qaranka ayaa la sheegay inuu ku gudo jiro diyaarinta warbixin ku saabsan natiijada baadhis uu ku sameeyay laba wasaaradood, hay’adad duulista iyo dawladda hoose ee Hargeysa.

Hantidhawrka guud ee qaranka, ayaa wuxuu baadhis ku sameeyay wasaaradaha warfaafinta, gaashaandhiga, hay’adda duulista hawada iyo dawladda hoose ee Hargeysa, waxaanay wararku sheegeen inay inta badan gunaanadeen hawlgalkii baadhista ahaa ee ay ku wadeen xarumahan dawladda.

Si rasmi ah looma garanayo natiijada ay kala kulmeen wasaaradahan iyo hay’adahan, laakiin waxa ay wararku sheegeen inay hadda ku mashquulsanyihiin isku duba ridka warbixinta natiijada baadhistooda oo la filayo inay Madaxweyne Biixi u gudbiyaan, waxaanay wararka qaarkood sheegayaan in hantidhawrku uu xarumahan uu baadhay qaarkood kala kulmay falal yaab leh, waxaana la eegi doonaa talaabada uu Madaxweyne Biixi kaga jawaabo baadhista uu hantidhawrku sameeyay iyo natiijada u soo baxday.

waxaanay Bulshada Somaliland aad ugu dhagtaagaysaa waxyaabaha ka soo bixidoona Baadhsitaasi 

 

 

Category