Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Maanta Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka

Hargeysa(RH)Xildhibaanada Golaha wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod gacan taag ah ku ansixiyey xeerka arrimaha doorashooyinka Somaliland,farqadiisa 3aad oo ay wax ka beddal iyo kaabis ku sameeyeen.

Fadhigii maanta ee xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo uu shirgudoominaayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Md Axmed Yaasiin Sh. Cali  Ayaanle  ayaa xildhibaanada golahaasi waxay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen xeerka arrimaha doorashooyinka ,farqadiisa 3aad oo tilmaamaysa buuxinta jagada ka banaanaata golaha wakiilada Somaliland , waxa ogoladay 40 xildhibaana, cidna ma diidin , cidna kama aamusin sidaasi ayuu ku ansaxay qodobkaasi .

Farqadaasi ayaa xildhibaandu ku meelmariyeen in xildhibaankii ka baxa ama ka geeryooda golaha wakiilada xubintaasi laga soo buuxin doono xubintii ku xigtay ee xisbigii uu ka tirsanaa,halka haddii xisbigaasi laga waayo looga gudbayo labada xisbi ee kale xubnahoodii kale ee ku soo xigay.

Wax ka bedelka iyo kaabista Xeerka doorashooyinka ayaa ka danbeeyay kadib markii ay Golaha wakiiladda ka Geeriyoodeen laba xildhibaan oo laga soo doortay gobolka awdal halka dhanka kale aanay jirin wax kayd xildhibaan ah oo buuxin lahaa labadaas jago ee ay ka geeriyoodeen labada xildhibaan.

1ww1

 

Category