Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland Oo Maanta Si Nabada Looga Ciidday

Hargeysa(RH)Waxaa Maanta si Nabada oo Xasilooni ku Dheehantahay looga ciiday Gobollada,Degmooyinka iyo Tuulooyinka Jamhuuriyadda Somaliland .

Saaxil:

Masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo kuwa degmada Berbera oo ay weheliyaan masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee gobolkaas, ayaa saaka dadweynaha Berbera meel fagaare ah kula tukaday salaadii ciidal fidriga.

 masuuliyiinta dadweynaha kala qayb galay tukashada salaada ciidal fidriga waxaa mid ahaa Guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan, Iskuduwaha Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta ee gobolka Saaxil Axmed Maxamed Faraare, Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariim Aadan Siciid, masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee gobolka Saaxil iyo qaar ka mida culima-awdiinka degmadaas.

Masuuliytiintaasi waxay guud ahaan shacabka Somaliland ee munaasida ciidal fidriga awgeed dalxiiska u imanaya badda magaalada Berbera ay u soo jeediyeen inay ka feejignaadaan badda, maadaama oo ay halisi ka dhalan karto oo sannad kasta ay ku dhintaan dhallinyaro ka yimid gobollada kale.

Sidoo kale waxay masuuliyiintaasi guud ahaan dadweynaha reer Somliland, gaar ahaan kuwa gobolka Saaxil ugu hambalyeeyeen farxada munaasibada ciidal-fidriga, waxaanay u soo jeediyeen in ay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan ilaalinta xasiloonida iyo ka shaqaynta horumarka dalka.

Awdal:

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa, ayaa dadweynaha ku nool degmada Boorame salaadii ciida kula tukaday masjid jaamaca weyn ee magaaladaas.

 sidoo kale dadweynahaas tukashada sallaada ciidal-fidriga kala qaybgalay maayarka magaalada Boorame Saleebaan Xasan Xaddi, Agaasimaha guud ee wasaaraddda waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mida culimada waawayn ee Somaliland ayaa dadweyniihii goobtaas ku tukanayey hadal u jeediyay waxaanu ku waaninayey in ay ilaashadaan nabadda iyo xasiloonida ay haystaan oo  la’aanteed aan la cibaadaysan karin, sidoo kale Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay is cafiyaan munaasibada ciida awgeed dadka danyarta ah la taageero, maadaama oo ay tahay maalin khayr badan.

Saleebaan Xasan Xaddi, maayarka Boorame ayaa ayaa sheegay dawladda hoose ee degmadaasi ay ka hawl-gashay sidii dadweynuhu ay u heli lahaayeen goobo ay  ku oogaan sallaada ciidal-fidriga, waxaanu sheegay in guud ahaan degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada Boorame saaka si fiican looga ciiday.

Ugu dambayn, Cumar Cali Cabdilaahi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo majid jaamaca wayn ee magaalada Boorama dadweynaha hadal uga jeediyay ayaa bulshada u soo jeediyay inay xoojiyaan iskaashigooda dhinaca  horumarka, xukuumadduna ay  dedaal ugu jirto xoojinta adeegyada horumarineed ee kaabeyaasha bulshada.

Togdheer:

Masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo kuwa degmada Burco iyo masuuliyiinta kale  ayaa saaka dadweynaha degmadaas kala qaybgalay salaadii ciidal fidriga garoonka kubada cagta ee Alamsey.

waxa dadweynaha halkaas kala hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, maayarka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) waxaanay guud ahaan shacabka gobolkaas ugu hambalyeeyeen munaasibada ciidal fidriga, iyagoo u soo jeediyay inay ilaaliyaan ammaanka iyo xasiloonida, taas oo keentay in ay si nabad ah u muujiyaan dareenkooda farxadeed ee ku wajahan  maalinta ciida.

Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Cismaan Sheekh Cabdi, oo dadweynaha halkaas kala hadlay ayaa bulshda gobolkaas ku hambalyeeyay munaasibada Ciidda,  sidoo kale gudoomiyaha hay’adda waddooyinku wuxuu  sheegay in ay  si deg-dega u bilaabi doonaan qorshe wax lagaga qabanayo biyaha daadadka oo mararka ay roobabku da’aan magaalada ku soo jaba, dhibaatooyinna u geysta.

SOOL:

Masuuliyiinta gobolka Sool  iyo kuwa degmada Laascaanood oo, ayaa saaka dadweynaha degmadaas kula tukaday salaadii ciidal fidriga masjid jaamaca weyn ee magaalada Laascaanood.

waxa dadweynaha halkaas hadallo uga jeediyey Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, waxaanay dadweynaha ugu hambalyeeyeen munaasibada ciidal fidriga, sidoo kalena waxay shacabka goblkaas u soo jeediyeen in ay halkaas ka sii wadaan dedaalada ku wajahan  xoojinta ammaanka iyo horumarka guud ee gobolka.

Sidoo kale waxa si wayn looga ciiday degmooyinka hoos yimaada gobolka Sool.

Geesta kalena si weyn looga ciiday Gobollada Sanaag, Badhan, Gabiley, Salel, Hawd, Oodweyne, Taleex iyo Saraar.

 

Category