Farmaajo oo u amababaxay dalka Uganda

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah u ambabaxay dalka Uganda, halkaasoo ay uga qeybgali doonaan caleema saarka madaxweyne Yoweri Museveni oo dhawaan mar kale ku guuleystay doorashada madaxweynaha.

Wafdiga madaxweynaha ayaa inta ay joogaan caasimadda Kampala waxa ay kulamo la yeelan doonaan madaxweynaha la caleema saarayo iyo madaxda ka soo qeybgaleysa xafladaas.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, marwada madaxweynaha Seynab Cabdi Macallim, saraakiil ka tirsan xafiiska madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa markii lixaad ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dhacday bishii Janaayo, waana mid ka mid ah hoggaamiyayaasha muddada dheer xilka jooga waddamada Afrika

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category