Faah-faahin: Qarax ka dhacay xarunta Golaha Shacabka

Muqdisho (RH)-Faah-faahin ayaa laga helayaa qarax loo maleenayo hoobiye oo ku soo dhacay xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan toddobo qof oo isugu jira shaqaalaha Barlamaanka iyo askar ay ku dhaawacmeen hoobiyaha ku soo dhacay barxadda dhismaha barlamaanka, xilli ay socotay doodda baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ay istaagay doodii Barlamanka, xildhibaannada ayaana bilaabay inay dhismaha isaga baxaan.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax loo malaynayo inuu ahaa hoobiye uu ku soo dhacay dhismaha baarlamaanka bannaankiisa xilli ay socotay dooda baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ay istaagay doodii Barlamanka, xildhibaannada ayaana hadda bilaabay inay dhismaha isaga baxaan.

Kulanka baarlamaanka ee maanta

Illaa hadda lama sheegin halka laga tuuray hoobiyaha ku soo dhacay iyo kooxda soo tuurtay, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka xarrunta golaha shacabka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category