Faah-Faahin: Qarax ka dhacay Gobalka Gedo

Baardheere (RH)-Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta barqadii ka dhacay maqaaxi ku taalla degmada Ceel Waaq ee gobalka Gedo.

Guddoomiyaha degmada Ceel-waaq Ibraahim Guuleed Aadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino la galiyay maqaayadda taasoo laga hagayay taleefonka gacanta saasna ay ku qaraxday.

Waxa uu sheegay in dadka dhaawaca afar ka mid ah ay xaaladooda halis tahay ayna u baahan yihiin in loo qaado isbitaalo ku yaalla dalka Kenya.

Qaraxa kaddib waxaa goobta tegay ciidamada ammaanka iyo maamulka degmada Ceel-waaq.

Ma cadda sababta loo qarxiyay maqaayada oo shaax lagu iibin jiray, mana jirto koox sheegatay qaraxa ka dhacay Ceel-Waaq.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category