Faah-faahin nin hubeysan oo dad ku dilay kuna dhaawacay Afgooye

Muqdisho (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in nin hubeysan uu weerar ka geestay masjid ku yaalla magaaladaas.

Goobjooge ayaa sheegay iweerarka inuu dhacay xilli laga soo baxayay salaadii cishaha ee xaley waxaana ku dhintey hal qof saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Ninka weerarka geestay oo goobta ka baxsaday ayaa la ogeyn sababta uu weerarka u fuliyay.

Dhammaan dadka wax ku noqday weerarka ay ahaayeen dad shacab ah oo masjidka ku tukanayay.

Afgooye oo 30km u jirta caasimadda Muqdisho, ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ka arrimiso dowladda, waxaana ay hoostagtaa maamulka Koonfur Galbeed.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category