Duuliyeyaashii ugu horeeyey oo ay dowladda Soomaaliya siisay ruqsad

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta duuliyeyaashii ugu horreeyay ee shirkad gaar loo leeyahay siisay ruqsad ama laysin ay ku duuli karaan, oo ay ku adeegsan karaan magaca Soomaaliya.

Afar kamid ah duuliyeyaasha shirkadda Freedom, ayaa maanta qaatey ruqsaddaas.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax, ayaa tallaabadan ku tilmaamey guul kale oo u soo hoyatay dalka, gaar ahaan dhanka maamulka hawada.

Soomaaliya ayaa dhawaan lasoo wareegtay maamulista hawadeeda, iyadoo tan iyo dhicitaankii dowladdii Siyaad Barre sanadkii 1991-gii, laga maamulayey goob ka baxsan dalka Soomaaliya.

Category