Dowladda Soomaaliya maxay ka tiri go'aanka Kenya ay ku joojisay

MUQDISHO( RH) —Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go’aanka ay Kenya ku joojisay duulimaadyadii Soomaaliya ayaa sheegtay in weli arrintaas aan si rasmi ah loo gala soo xiriirin.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax, oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay inay go’aankan ka arkeen oo kaliya warbaahinta, oo aysan jirin farriin uga timid dhanka Kenya.

Duraan ayaa sheegay in go’aankan uu yahay “mid aad loola yaabo, xilli ay maalmo un ka hor ay Soomaaliya dib usoo celisay xiriirka labada dal, si caadi looga dhigo nolosha dadka labada dal,” ayna ka sugayeen sidaas oo kale.

Waxa uu intaas ku daray in xitaa markii uu go’aanaa xiriirka labada dal, ay duulimaadyada ka mid ahaayeen dhinacyada ay labada dal ka xiriiraan.

Wasiir Duraan ayaa sheegay in arrintaas ay saameyn ku yeelaneyso labada dalba, asaga oo xusay in aysan jirin dhibaato gaar ah oo dalka Soomaaliya kasoo gaaraysa, sida uu sheegay.

Wasiirka oo ka jawaabayey tallaabada ay dowladda Soomaaliya qaadi doonto ayaa sheegay in dowlada federaalka ay arrinkaas ka tashaneyso, soona soo saari doonto go’aan.

Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa goor sii horeysya oo maanta ah hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo maanta oo Talaado ah.

Xayiraadda duulimaadyadan waxa keliya ka reeban diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

Xiggasho: VOA

Category