Dowladda oo mamnuucday isku imaatinka Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa galabta shir jaraa'id ku qabtay dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda ayagoo ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo dowladda ay soo saartay oo ku saabsan xaaladda magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, wasiirka amniga Xasan Xundubey Jimcaale iyo wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa ka hadlay shirka jaraa'id ee lagu qabtay xarrunta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa ugu horreyn sheegay in dowladda ay fasaxday shaqaalaha rayidka marka laga reebo kuwa duruuriga, wasiirku waxa kale oo uu sheegay in la joojiyay isku imaatanada maadama uu xanuunka COVID 19 uu soo laba kacleeyay.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abuukar Nuur ayaa sheegtay in maadama ay kordhayaan kiisaska xanuunka in loo baahan yahay in la yareeyo isku imaatinka bulshada iyo in dadka ay ka foyijignaadaan xanuunka.

Wasiirka amniga Xasan Xundubey Jimcaale ayaa isna sheegay in dowladda ay guud ahaan mamnuucay isku imaatanada oo uu ku jiro bannaanbaxa mucaaradka ay ku dhawaaqeen maalinta Jimcaha.

Wasiirka ayaa sheegay in amarkaas uu ka soo baxay shir lala yeeshay madaxda dowladda oo ay goobjoog ka ahaayeen taliyayaasha ammaanka.

Si kastaba, amarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo weli mucaaraadka ay ku baaqayaan in laga soo qeybgalo bannaanbaxyada looga soo horjeedo madaxda dowladda ee xilligeeda uu dhammaaday.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category