Dowladda ma waxay diyaar u tahay wax laga badalo guddiga doorashada?

Muqdisho (RH)-Waxaa weli la isku khilaafsan yahay guddiga doorashada ee Dowladda Federaalka ay soo dhistay ka dib markii xubnaha mucaaradka ay diideen shaqsiyaad ka mid ah guddigaas.

Golaha ay ku mideysan yihiin musharrixiinta wuxuu sheegay in “guddiyada ay ka mid yihiin dad u dhow dowladda oo aan dhexdhexaad ahayn”.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed oo shalay hadal jeediyay wuxuu sheegay in loo baahan yahay “meel marinta wixii ay ku heshiiyeen” Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada, kaas oo Baarlamaanka uu ansixiyay.

“Marka walaalayaalow, aanu ku baaqno in dhammaanteen aynu fulino heshiiskii aan isla qaadanay,” ayuu yiri.

“Meeshii aynu ka qabno dareenna la isla qaato in laga wada hadlo lana fuliyo. Qofkii la leeyahay dareen baan ka qabaa, diyaar baan u nahay in laga garaabo; qofkaa la bedelo; labadaa la bedelo.

“Meeshii la leeyahay ma anfacdo in shaqadu horey u socoto, haddii ay jirto – gar iyo garowshiyaba – Mar walba danta qaranka iyo horu-socodka qarankan u baahan yahay, diyaar baanu u nahay”, ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed.

Xiggasho: BBC

Category