Dowlada Jabuuti Oo Cisbitaal Dibadeed U Qaadaysa Siyaasi Cali Sandule

Hargeysa(RH)Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay in uu cisbitaal dibadeed u qaadayo siyaasiga weyn ee Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo in muddo ah xannuun u jiifay magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Fihiima Yuusuf Guunje oo ka mid ah Xildhibaannada golaha deegaanka Laascaanood ayaa xaqiijisay warkan waxaanay sheegtay in maalinta bari ah Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) loo qaadi doono dhakhtar dibadeed.

Siyaasi Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) ayaa door weyn ka soo qaatay in dawladnimada Somaliland gaadho gobolka Sool wakhtigii xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.sidoo kalana ahaa Musharaxii Madaxweyne ku xigeen ee Urur-Siyaasadeedkii XAQSOOR

Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn loogu dhaliilay inay hagradatay la tacaasho xaaladda caafimaad ee siyaasi Cali Sandule taasi oo loo aanaynayo dhaliilo uu dhawaan u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa

Maamul gobolleedka Puntland ayaa hore ugu baaqay ehelada siyaasi Cali Sandule inay u soo qaadaan magaalada Garoowe si ay ugu raadiyaan dhakhtar dibaddeed taasi ay sheegeen in uu kafaalo qaaday Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

Category