Doorashada aqalka sare ee Soomaaliya oo la dhameystiray

Muqdisho (RH)-Magaalada Dhuusamareeb ee xarrunta maamulka Galmudug, waxaa maanta oo Sabti ka dhacday doorashada labo kursi oo ka tirsan xildhibaannada aqalka sare ku matalaya maamulka Galmudug.

Labadan kursi ayaa ka dhinnaa kuraasta aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Labada kursi ee maanta la doortay waxaa ku soo kala baxay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo mar kale lo doortay kursigaas iyo Cabdi Cismaan Xareed.

Waxaa wararka ay sheegayaan in musharixiinta la tartamayay labadaas sanatar in ay u tanaasuleen, waxaana sidaas ku dhammaatay kuraasta aqalka ee baarlamaanka federaalka.

Dhinaca kale, waxaa dhawaan lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu galo doorashada dhammaan kuraasta aqalka hoose.

Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in deegannada doorashada ay ka dhacayaan ay u kala direen agabkii loogu talagalay Doorashada 2021, waxaa meelaha ugu horreeyay ee la geeyay ka mid ah Dhuusamareeb iyo Kismaaayo oo maanta agabka ay gaareen.

Sidoo kale, berri Baydhabo iyo magaalooyin kale ayaa la geyn doonaa agabka doorashada, sidaas waxaa xaqiijiyay guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo u warramay saxaafadda maxalliga ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category