Kolding (Radio Hormuud) – Hay’adda saadaasha hawada ee dalka Denmark (DMI) ayaa soo saartay digniin culus oo ku aaddan baraf xooggan iyo dabaylo wata baraf (fygning) oo ku soo fool leh qaybo badan oo dalka ka mid ah maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.
Sida ay sheegtay DMI, gobollo dhowr ah ayaa la filayaa inuu ka da’o baraf aad u weyn oo gaaraya ilaa 30 sentimitir, halka meelaha qaarna ay ka jiri doonto dabaylo xooggan oo barafka kicinaya, taas oo caqabad ku noqon karta isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Gobollada digniintu khuseyso iyo xilliyada la filayo:
1. Digniinta Barafka kici doona (Fygning): Gobollada kala ah Sønderjylland, Trekantområdet, Fyn, Hedensted, Horsens iyo Galbeedka Jylland, waxaa laga cabsi qabaa baraf dhumucdiisu ka yartahay 15cm laakiin ay weheliyaan dabaylo xooggan.
-
Xilliga: Khamiista 10:00 barqanimo ilaa Jimcaha 10:00 barqanimo.
2. Digniinta Barafka aadka u dhumucda weyn (30cm): Gobollada ay ka midka yihiin Djursland, Aarhus, Skanderborg, Odder iyo Viborg, ayaa la sheegay inuu ka da’i doono baraf gaaraya ilaa 30 sentimitir.
-
Xilliga: Khamiista 15:00 galabnimo ilaa Jimcaha 15:00 galabnimo.
Maxay leeyihiin khubarada Saadaasha Hawada?
Herdis Damberg oo ah khabiir dhanka saadaasha hawada ka tirsan DMI ayaa sheegtay in xaaladda haatan ay tahay mid qiyaas ah si hay’adaha dawladda iyo kooxaha nadaafadda waddooyinka ay ugu diyaar garoobaan xaalad kasta.
"Waa xaalad dhib badan in si dhab ah loo sheego halka uu barafka ugu badani ku dhici doono, laakiin qiyaastan waxay muhiim u tahay in hay’adaha gaadiidka iyo snerydder-ka (kooxaha barafka xaaqa) ay is abaabulaan," ayay tiri Damberg.
Radio Hormuud waxay kula talineysaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadaas inay taxaddar muujiyaan, gaar ahaan xilliyada ay isticmaalayaan waddooyinka, maadaama barafka iyo dabaysha ay keeni karaan aragga oo xirma.
Isha Warka: DMI / JFM