Ciidanka Booliska Somaliland Oo Heegan Buuxa la galiyey

Hargeysa(RH)Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Heegan Buuxa la galiyey u diyaargarowga xuska Munaasibada 18 May Awgeed .Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ka Hadley U jeedada ka damabaysa in ciidanka Heegan la galiyo ayaa waxaa uu yidhi:-

 

fadal

 “18 May ayaa inagu soo haysa foodda illaahay waxaynu ka baryeynaa inuu nabad-gelyo inagu gaadhsiiyo nabad-gelyana inoogu dhammeeyo , waxaa la inaga rabbaa , hawl adag ayeynu gelaynaa ,waa laba qaybood ciidan amniga ka shaqayn doona iyo ciidan gaardiska mari doona, dhammaan ciidan weynaha Bilayska Somaliland waxa lagu wergelinayaa inay diyaar garoobaan illaalinta nabad-gelyada, waxa weeye waad garanaysaan calaamadaa aynu sidaanaa waa qarankii weeye waa in aad haybaddiisa iyo sharaftiisa aad ilaalisaan , iyadoo horeba la idiin faray haddana waan idinku baraarujinayaan .”

Waxaanu intaasi ku daray Taliyuhu “Waxa weeyaan ujeedada aynu iskugu nimid dambiga ka hor tag iyo ka daba tag , haddii uu yahay ciidanka heeganka ah ee xeryaha la dhigayo iyo hadduu yahay ka gaaf wareegaya iyo haddii uu yahay ka suuqa wareegaya, waxa loo baahan yahay anniga oo idiinka mahadcelinaya hawsha adag ee aad qaranka u haysaan waxa la idiinka baahan yahay adkaysi badan iyo in aad dul-qaadateen.”

Geesta Kalena Taliye Fadal ayaa fariin u diray Shacbiga reer Somaliland “Shacabka reer Somaliland ee xariirta ah waxaan ka codsanayaa in aad iyo aad u gashaan feejignaan oo dareenkiinu taagnaado oo aad ka jawaabi karto qofka ku dhaafay oo aad suuradin karto , ayaa loo baahan-yahay .”

 

Category