Cabduraxmaan Sudays: Khudbaddii uu Xaramka Makah ka jeediyay oo dhalisay su’aalo badan oo ku aaddan mowqifka Sucuudiga ee Israa’iil

Mowqifka rasmiga ah ee dalalka Carabta ee heshiiska Imaaraatka iyo Israa'iil ayaa waxa uu kordhiyay cabsida iyo rajada dadka qaar ay ka qabaan in mustaqbalka la arki doono Israa'iil oo galaangal wayn ku yeelata gobolka Carabta gaar ahaan Khaliijka.

Cabsidaas ayaa waxaa laga dareemi karaa baraha ay bulshada ku wada-xiriiraan, halkaas oo ay dadku aaraa'doodu gaarka ah ku wadaagayaan ee waxyaabaha ka dhalan kara heshiiska Imaaraatka Carabta iyo Israa'iil, gaar ahaan qadiyadda Falastiiniyiinta iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Carabta.

Carabta Twitterka isticmaasha ayaa waxa ay ka dhursugayaan go'aankasta oo mas'uuliyiinta Khaliijka ay soo saaraan, taas oo ay suuragaltahay inay ka helaan wax tilmaamaya waxa dhici kara maalmaha soo aaddan.

Khudbadda Sudays

Maalma ka hor, dadka baraha bulshada ay ku wada xiriiro ayaa waxa ay isla dhexmarayeen muuqaalka khadhiibka Xaramka Makah, Cabduraxmaan Sudays.

Gaar ahaan dadka Twitterka isticmaala kuwaas oo soo qaadanayay muuqaallo ay ka soo gooyeen khudbaddii Jimcaha ee uu Sudays jeediyay, halkaas oo ay dadku isku dhaafsanayaan fahankooda ku aaddan "Al-walaa' wal baraa - الولاء والبراء" iyo xiriirkii uu nebi Muxamed CWS la lahaa Yuhuudda.

Sudays ayaa yiri, sida ku cad muuqaalka la soo jaray: "Waxaa ka mid ah digniinaha muhiimka ah ee masaa'isha caqiidada in dadku aanay fahan dhab ah ka haysan mowduuca "Al-walaa' wal baraa - الولاء والبراء" iyadoo dadku ay isku khaldaan iimaanka qalbiga iyo in lagu dhaqmo wanaag markii ay timaado xiriirka ka dhaxeeya shakhsiga iyo dowladaha".

Ka hor inta uusan khadhiibku khudbada ku dhammayn duco uu u duceeyay Falastiiniyiinta, ayaa waxa uu soo qaatay xadiis-ka ah "Caqiidada dhabta ah iyo in la adeeco imaamka [hogaamiyaha] si ka duwan waxa uu ku tilmaamay "khawaarijta xadgudbay iyo axsaabta baadiyaysan iyo kooxaha xagjirka ah ee hubaysa".

Khudbadda ayaa waxa ay kicisay dood kulul, oo qaar ka mid ah dadka Twitterka isticmaala iyo siyaasiyiinta Carabta, waxa ay hadalka imaamka ku fasireen uu gogol xaar u yahay in dhawaan dib loo soo celin doono xiriirka Sucuudiga iyo Israa'iil.

Dadka Twitterka isticmaalayay ayaa waxa ay weerrar kulul ku qaadeen khadhiibka Xaramka Makah, waxa ayna ku eedeeyeen inuu ra'yigiisa hadba u dhigayo si waafaqsan mowqifka madaxda.

Qaar kale ayaa waxa ay soo qaateen khudbado kale oo Sudays uu hore u jeediyay, iyagoo sheegay "Waxa uu xamaasadda dadka masjidka ku tukada ku kicin jiray oohintiisa iyo ducada Falastiiniyiinta iyo inuu cambaareeyo siyaasadaha Israa'iil iyo xulufadeeda".

Halka qaar ka mid ah dadka Twitterka isticmaala ay faafinayeen muuqaalo ka mid ah khudbad kale oo Sudays uu ku amaanayo maamulka Trump iyo xiriirka xooggan ee uu la leeyahay hoggaanka Sucuudiga.

Qaar ka mid ah dadka ololeeya iyo siyaasiyiinta ayaa waxa ay ku doodayaan in khudbadaha Jimcaha laga jeediyo masaajidda Sucuudiga ay waligeedba aheyd goob laga dheehan karo waxa ka dhacaya dhismayaasha maamulka iyo goobaha aan xogta badan laga helin ee maamulka.

 

xigasho . BBC

Category